Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka Biden oo ka farxiyey qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Mareykanka

Mareykanka ayaa ku dhowaaqay in dadka Soomaalida ah ee aan sharciga ku lahayn dalkaas ay sii joogi karaan 18 bilood oo kale.

Xoghayaha Amniga Gudaha Maraykanka Alejandro Mayorkas ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya mar kale loo asteeyey inay tahay waddan ay dhibaato ka taagan tahay.

Kordhinta joogitaankooda ayaa ka billaabaneysa bisha Maarso 18-keeda 2023, waxayna ku egtay bisha September 17-keeda ee sannadka soo socoda ee 2024.

“Mareykanku wuxuu awood u yeelan doonaa inuu gabbaad ilaalin ah siiyo Soomaalida. Colaadaha iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee socda, oo ay wehliyaan musiibooyinka dabiiciga ah, cudurrada, saameynta argagixisada, dambiyada, rabshadaha iyo dagaallada u dhexeeya maleeshiyo beeleedyada awgood ma awoodi karaan inay ku laabtaan dalkooda,” ayuu yiri xoghaye Mayorkas.

Dadkaasi joogitaanka loo kordhiyey ayaa lagu magacaabaa inay haystaan Xaalad Joogitaan oo ku meel-gaar ah.

Tallaabadan ay u oggolaanayso ku dhawaad 430 qof inay ka faa’iidaystaan oo ay sii joogaan Maraykanka tan iyo Sebtembar 17, 2024, haddii ay buuxiiyaan shuruudaha sharcigan oo ay dhawaan shaacin doonto dowladda Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal uu dhimasho badan ka geysanayo Coronavirus oo furaya tartamada K/Cagta

Caydiid Ali

Doorashadii kursiga HOP004 ee ka socotay Baladweyne oo lagu kala baxay (Yaa ku guuleystay)

Caydiid Ali

Wasiirada Dal Afrikaan ah oo Mushaar qaadan doona Inta Noloshooda ka harsan !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---