Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Kumaandooska Soomaaliya oo Al Shabaab kala wareegay Deegaano ay maamulayeen

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgalo balaaran ka fuliyay Deegaano iyo tuulooyin hoos taga Degmada Balcad ee gobolka Shabeeaha Hoose.

Saraakiil katirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya iyo maamulka Degmada Balcad ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidanka Kumaandooska iyo ciidamada Wehliya Al Shabaab ka saareen deegaano iyo tuulooyin ay horey gacanta ugu hayeen.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Amniga degmada Balcad Muuse Nuur Shuceyb ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay saakay Al Shabaab kala wareegeen tuulooyinka kala ah Daniga, Barwaaqo, Garasweyn iyo Walamooy.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa la sheegay in toolooyinkan laga qabsaday ay isaga baxeen iyada oon wax dagaal ah ka dhicin, ciidamada Huwanta ah ayaan baaritaano ka sameeyay tuulooyinkan ay Al Shabaab kala wareegeen.

Muuse Nuur ayaa sheegay goobahan ay Al Shabaab kala wareegeen ciidanka huwanta ah ay ahaayeen meelihii ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka geestaan Balcad iyo duleedkeeda, waxa uuna xusay in la bur buriyay saldhigyo Al Shabaab lahaayeen.

Tuulooyinkan ay maanta la wareegeen ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaan la ogeyn in ay kusii nagaan doonaan, waxaana xusid mudan in ciidankan deegaano badan ay horey Al Shabaab ugala wareegeen ay dib uga baxeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Yuusuf Dabageed oo isaga oo Tuute xiran saakay tagay Degmada Maxaas (Sawirro)

Cabdi Cade

Dalkii Labaad oo Dunida kuyaala oo Qudus u aqoonsaday Caasimada Israa’iil

admin

Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---