Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa saakay Degmada Waabari ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen askari katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya gaar ahaan qeybta Dambi baarista CID-da.

Sida aan Wararka ku heleyno koox hubeesan ayaa askariga ku dilay meel aan ka fogeyn gurigiisa , waxaana goobta dilku ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday kooxdii dilkaasi ka dambeysay.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa dilka kadib soo gaaray halka lagu dilay askariga booliiska katirsanaa, waxa ayna ciidanka howlgalo ay sameeyeen ku guul dareesteen in ay soo qabtaan ragii dilka geestay.

Dilalka qorsheesan ee loo geesanayo ciidanka dowlada ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana habeen hore gudaha Masjid kuyaala degmada Xamar Jajab lagu dhax dilay askari katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Gujis Maraykanku leeyahay oo lagu weeraray meel ku dhow xeebaha Shiinaha

Caydiid Ali

Diyaarad siday Madaxdii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo si toos ah uga degtay Kismaayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Villa Soomaaliya oo war kasoo saartay safarka Madaxweynaha ku tagay Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---