Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jawaab dadban siiyey Maamulka Puntland oo maalmo ka hor shaaciyey inuu u dhaqmayo sidii dowlad madax banaan inta laga dhameystirayo, aftina loo qaadayo dastuurka Somalia.
Xassan Shiikh ayaa sheegay Maamullada qaar ee ka jira dalka ay sidey doonaan u fasirayaan Nidaamka Federaalka ee Soomaaliya.
Isagoo Madaxweynaha ka hadlayay shir-sanadeedka Garsoorka ee maanta ka furmay Muqdisho ayuu sheegay in dalku federaal yahay dastuurkuna ku qoran tahay, balse aanu Federaaleyntu aysan ahayn in dalku kala tago oo maamul kasta wixii uu doono sameeyo.
“Laba waxyaabood waa inaan la isku qaldin, dalkan in la fadaraaleeyo waa mid, Dalka in la isku haayo oo hal dal uu noqdo waa waa mid kale. Dalka in la Fadaraaleeyo macnihiisa ma aha in la kala tago oo qofba meeshii uu doono aadi karo, Soomaaliya waa hal dal waa hal dowlad..” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.
Wuxuu si adag u difaacay Madaxweynaha sinnaanta muwaadiniinta iyo Maamullada dalka ka jira.
”Muwaadiniinta Soomaaliyeed waa isku xuquuq, ma kala laha darajo koowaad iyo mid labaad. Ma dooneyno laba muwaadin oo kala xuquuq ah inay Soomaaliya ku noolaadaan. Dadka qaarkiisa iyadoon ogeyn waxay ka shaqeynayaan inay sidaas tahay waxay u arkeen nidaam hoose oo u gaara, mana aha” ayuun yiri Xassan Shiikh.
Xasan Sheekh wuxuu qeexay kala sareynta awoodaha dowlada dhexe iyo mida Federaalka,
“Wax kasta oo muwaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan u wada taabanaya waxaa ka ms’uul ah Dowladda Dhexe; Wixii degaankaas u gaara ee taabanaya arrimihiisa gaarka ahna waxaa leh Dowlad goboleedka. Wixii wada saameynaya waa laga wada tashanayaa” ayuu intaas ku daray.
Madaxweyne Xasan Shiikh oo u muuqda in uu u jawaabayo Maamul-goboleedyada dalka ee mar kasta caadeystay iney ka yimaadaan dowlada dhexe.
“Reer Qurac iyo reer Qansax oo dalka geeskaas iyo geesta kale deggen, waxa aad soo dirsateen wakiillo idin matala oo dowlada ku jira; iyaga ayaa idiin jooga meesha talada Soomaaliyeed lagu goynayo ee ku kalsoonaaada, waxa aad rabtaanna, iyaga soo marsiista ha feer ordine” ayuu yiri yiri Xassan Shiikh.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com