Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Jabuuti oo si kulul uga hadashay Muwaadiniin looga dilay magaalada Diri-dhabe

Xukuumada dalka Jabuuti ayaa si kulul u cambaareesay muwaadiniin u dhalatay dalkaasi oo lagu dilay rabshado xoogan oo maalintii Axada ka dhacay magaalada Diri-dhaba ee dalka Itoobiya .

War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay in dowlada Jabuuti ay ka xun tahay si kululna u cambaareeneyso muwaadiniinteeda lagu dilay magaalada Diri-dhabe .

Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in ay la xariirtay Dowlada Itoobiya kadib markii muwaadintooda la dilay, waxaana qoraalka Ra’isul Wasaaraha lagu sheegay in Itoobiya ka codsadeen in la xaqiijiyo amaanka muwaadiniintooda .

Xukuumada Jabuuti ayaa muwaadiniintooda ku war galisay in ay ka fogaadaan goobaha ay ka socdaan rabshadaha , waxa ayna Xukuumada Jabuuti sheegtay in ay bilaabi doonto daad gureynta muwaadiniintooda ku sugan goobah ay rabshadaha ka socdaan.

Rabshado u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada oo ka dhacay magaalada Diri-Dhabe ayaa saameyn ku yeeshay muwaadiniinta Jabuuti, waxaana halkaasi lagu dilay dad badan oo Jabuuti kasoo jeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Odowaa oo ka hadlay qarax maanta lagu weeraray kolonyo uu la socday

Caydiid Ali

Dab xooggan oo goor dhow qabsaday dhisme ku yaalla Suuqa Bakaaraha

Caydiid Ali

Bankiga Adduunka oo soo saaray War cusub oo ka farxiyey dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---