Allbanaadir.com
NEWS

Weerar Khasaaro geestay oo toorey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Paris

Ugu yaraan 6 qof ayaa lagu dhaawacay Weerar Tooreey oo oogtii hore ee saakayto ka dhacay saldhig tareenada laga raaco ee The Gare du Nord Station oo ku yaalla bartamaha caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.

Qoraal uu Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalkaasi, Gerald Darmani soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Eedeysanihii weerarka geystay ay booliska degdeg u dileen.

Wasiirka waxa uu ku bogaadiyey Saraakiisha Boliska sida Geesinimada leh ee ay uga fal-celiyeen weerarkaasi loo adeegsaday tooreyda.

Sida laga soo xigtay Telefishinka BFTV, 6 qof ayuu dhaawac fudud ka soo gaaray weerarkaasi, kuwaasi oo daryeel Caafimaad loo fidiyey loona cararay xarumo caafimaad.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixinin Haybta iyo magaca Ninka weerarka geystay oo la sheegay inuu Luqada Carabiga ku hadlayey.

Dhanka kale, Sarkaal u hadlay Shirkadda Tareenada Faransiiska ayaa sheegay inuu weerarkaasi horjeeday Jahwareer ku yimid Jadwalkii Shaqada ee Tareenada ee saakayto.

Saldhiga Tareenada ee maanta uu ka dhacay Weerarka Tooreyda waxa uu ka mid yahay kuwa ugu Mashquulka badan ee ka shaqeeya gudaha dalalka Europe.

Saldhig Tareenada laga raaco ee The Gare du Nord Station waa Marinka ugu weyn (A major link) ee isku xira magaallooyinka Paris, London iyo Waqooyiga Qaarada Europe.

W/Q Ustaad Nuradin

Related posts

Maleeshiyaad Weerar culus ku qaaday Deegaan Al Shabaab heesteen iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo xilka ka qaaday Masuul amarkiisa diiday

Cabdi Cade

Khayre oo ka hadlay hal arrin oo fursad u noqon karta dib u dhiska dalka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---