Allbanaadir.com
NEWS

Kacdoon shacab oo ka dhan ah Al Shabaab oo Muqdisho laga dhigayo iyo Abaabul socda

Waxaa beri oo khamiis ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka dhaco kacdoon shacab oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxaana kumanaan shacabka reer Muqdisho ah lagu wadaa in ay isugu tagaan garoonka kubadda cagta ee Koonis.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa wada abaabulka kacdoonka shacab ee ka dhacaya garoonka Koonis, waxaana kacdoonkaasi shacabka taageero ugu muujinayaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Shacab laga kala keenay degmooyinka gobolka Banaadir ayaana la filayaa in ay isugu tagaan garoonka Koonis, waxaana shacabka halkaasi kula hadli doona madax sare oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Kacdoonkan ayaa lagu muujinayaa sida shacabka Soomaaliyeed u taageersan yihiin dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobolada dalka qaarkood ayna taageero ugu muujin lahaayeen shacabka dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid kamid ah Lataliyaasha Lafta Gareen iyo Siyaasi Mucaarad ah oo Xildhibaano loo doortay

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlad goboleed QM u gudbiyey dacwad ka dhan ah ciidamada Itoobiya

Caydiid Ali

Ganacsade caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---