Haweeney uu dhalay Madaxweynihii hore oo Iran Akbar Hashimi Rafsanjani oo magaceeda la yiraahdo Faezeh Hashemi ahna 60 jir ah u dooda xuquuqda Dumarka ayaa la xiray bishii September ee sanadkii hore ka dib markii ay dhiirigalisay banaanbaxyada ka dhanka ah dowladda.
Waxaa lagu eedeeyey inay kicin wadday. Qareenkeeda Neda Shams ayaa sheegtay in la xukumay mar ay qoraal gaaban soo dhigtay barteeda twitter-ka mase aanay bixin faahfaahin dheeraad ah.
“Ma aha wax sax ah in aan ka hadlo waayo waxaan ka fiirsanayaa in xukunkan aanu aheyn kii ugu dambeeyey. Macmiilkeyga weli xabsiga ayey ku jirtaa waxaana jira kiisas kale oo iyada ka horjeeda” ayey tiri.
Gabadhan ayaa aad u dhaliisha kooxaha ciidamada ah ee Ilaalada kacaanka ee dalka Iran., marar badan ayeyna ka hadashay.
Waxay horey u soo dhammeysatay lix bilood oo xarig ah sanadkii 2012 iyadoo lagu helay waxa lagu tilmaamay dacaayad ay ka faafisay maamulka iyadoo lala xiriiriyey inay taageertay bannaanbaxyo ka dhashay murankii doorashooyinkii madaxtinimada saddex sano ka hore.