Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu yahay heshiiska ay Addis ababa ku kala saxiixdeen Somalia iyo Itoobiya? (Sawirro)

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal iyo dhigeeda dalka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges ayaa maanta goobjoog u ahaa munaasabad ka dhacday Addis Ababa oo lagu saxiixay heshiiskii adeegga hawada (ASA) ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo dib u habeyn lagu sameeyay.

Heshiiskan ayaa la dhaqan geliyey markii ugu horeysay 3-dii December sanadki 1988-dii.

Saxiixa Heshiiskan ayaa la sheegay inuu la jaanqaadayo waqtigan la joogo, iyadoo lagu sameeyay isbeddelo lagu horumarinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada.

“Heshiiskan 1988-dii ayaa horay loo saxiixay, maadaama 35-sano ay ka soo wareegatay, waxaan u baahanahay in aan helno heshiis casri ah oo la jaanqaadi kara qarnigan la joogo.” ayey tiri wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Xil. Fardowsa.

Waxay intaas ku dartay intaa ku dartay  in heshiiskan uu horumarinayo iskaashiga iyo khibrad wadaagga dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada labada dowladood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

R/Wasaare Denvok oo sheegay in wada-hadal la galayaan Burcad badeed Soomaali ah

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo ka degay Berlin kaddib martiqaad uu ka helay Olaf Scholz

Cabdi Cade

Cuba oo diiday war Mareykanku ka soo saaray dhaqaatiir lagu waayey Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---