Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Jen. Xijaar oo khudbad ka jeediyey Shirka Taliyeyaasha Booliska dalalka Carabta

Taliyaha Ciidanka Booliska Sooomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaraadka Carabka kaga qeyb galay meertada 46-aad ee Shirka Taliyeyaasha Ciidanka Booliska dalalka Carabta.

Shirkan sannadlaha ah oo soconaya 9 illaa 10ka bishan Jannaayo ayaa looga hadlayaa ka hortagga iyo la dagaallanka lacag dhaqista.

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa kaga warbixiyay ka qeyb galayaasha guulihii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya  ka gaartay xoojinta iyo tayaynta hay’adaha amniga, dagaalka argagixisada looga xoraynayo dalka iyo dadaallada hay’adaha amniga oo uu ugu horreeyo Booliska Soomaaliyeed ay ugu jiraan la dagaalanka lacag dhaqista.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Sooomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa inta uu shirku socday waxa uu kulan doceedyo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labo geesoodka ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiiradda Arrimaha Gudaha Carabta Dr Maxamed Cali Bin Kooman, Kaaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar Sarreeye Gaas Dr Calaa Cabdulmucdi iyo Gudoomiyaha Jaamaacadda Naif ee Culuumta Amniga, Dr Cabdulmajid Bin Cabdalla Al-biniyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad Carbeed oo War kasoo saartay qaraxii xooganaa ee shalay ka dhacay Gaalkacyo

Cabdi Cade

Dal Yurub ka tirsan oo dadkiisa lacag ku siinaya iney toshaan dharka & kabaha

Caydiid Ali

Abaabulka Banaan bax ka dhan ah Ra’isul Wasaare Rooble oo si xooggan u socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---