Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiil Itoobiyaan ah (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa kulan saacado socday la qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS gaar ahaan kuwa Itoobiya ka socda.

Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud ee magaalada iyo nawaaxigeeda iyadoo saraakiisha ciidanka ATMIS ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS u sheegeen in ay sugi doonaan amniga guud ee magalada, goobta shirka lagu qabanaayo ee Baydhabo, wufuuda imaaneysa iyo amniga madaxda qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS isagoo ku dhiirageliyay in laga taxdaro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadashaqeyaan amniga.

Magaalada Baydhabo ayaa dhawwaan lagu wadaa in uu ka furmo shir dib u heshiisiin ah oo loo qabanayo siyaasiyiinta iska soo horjeeda ee Koonfur Galbeed.

 

Related posts

Laftagareen oo soo saaray liiska musharaxiinta Aqalka sare, kana reebay.. (Akhriso)

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo qabsatay degaano muhiim ah oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Caydiid Ali

(Akhriso) Muuse Biixi oo safiiro u magacaabay dalal uu ku jiro Imaaraadka Carabta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---