Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii degmada Baraawe, iyadoo guddoomiye Cusub loo Magacaabay degmadaas.
Guddoomiyaha degmada Baraawe ayaa waxaa loo Magacaabay Cabdifitaax Maxamed Nuur (Sandheere) oo bedelaya guddoomiyihii xilka laga qaaday Aadan Cumar Madoobe.
Arintan ayaa lagui xusay wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed.
Laguma sheegin wareegtada sababta keentay isbedelka lagu sameeyey maamulkii ka jiray degmada Wadajir iyo waxaa xiiigan ku soo beegay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com