Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tartan Ciyaareed loogu Mahad celinayey Wasiir Cali Dhuux oo Baydhabo lagu qabtay (Sawirro)

Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay waxaa galabta lagu qabtay tartan ciyaareed gaar ah oo maamuus iyo Mahad celin loogu muujinayey Wasiirkii hore ee Wasaarada Isboortiga dowlad goboleedka Koonfur galbeed Somalia Cali Dhuux.

Waxaa Munaasabadan soo qaban-qaabiyey xiriirka kubada Cagta Koonfur galbeed iyo Wasaarada isboortiga Maamulkaas, waxaana koob lagu maamuusayey Wasiir Cali Dhuux la gudoonsiiyey koox ku guuleystay ciyaar ka dhacday garoon ku yaalla Baydhabo.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Koonfur galbeed Mahad Dollar oo ka hadlay munaasabadaas ayaa sheegay in Wasiir Cali Dhuux mudadii uu xilka hayey ay Wasaarada wax weyn oo lagu faani karo ka qabatay horumarinta Isboortiga Koonfur Galbeed.

“Wasiir Cali Dhuux oo arrimo caafimaad ugu maqan London ayaan galabta ku maamuusaynaa munaasabadan, kaalintii uu ku lahaa horumarinta isboortiga Koonfur galbeed, waxaan leenahay MAHADSANID MUDANE WASIIR Ilaahay Caafimaad haku siiyo, ma iloobi doono waxqabadkiisii, masuul kasta oo bulshada wax u qabtana sidaas ayaa loo xusi doonnaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Koonfur galbeed Mahad Dollar.

Waxaa Munaasabadaas goob joog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Isboortiga Koonfur galbeed, masuuliyiin kala duwan iyo dadweyne kale.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

   

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada Ciidamada oo Xukun adag ku riday rag burcad ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo & wafdigiisa oo ka soo laabtay booqashadii Magaalada Sochi

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar xooggan oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaanka Caad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---