Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Koox ka dhisan dalka Saudia Arabia oo lacag waali ah u soo bandhigtay Messi

Kooxda Al-Hilaal ee Dalka Sucuudiga ayaa la soo warinayaa iney Messi usoo bandhigtey qandaraas uu Sanadkii ku qaadanayo mushahar dhan 400 milyan oo dollar.

Madaxweynaha kooxdaasi ayaa sheegay inuu Messi ka dhigi doono ciyaartoyga taariikhda ugu mushaar badan Kubada Cagta, haddii uu ogolaado inuu Sacuudiga u soo dhaqaaaqo.

Arrintan ayaa ka yaabisay dad fara badan, iyadoo aan la ogeyn in dalabkaas uu aqbali doono Mesi iyo in kale.

Kooxaha heerka Koowaad ee Sacuudiga oo ay leeyihiin amiiro heysta balaayiin Dollar ayaa loolan ugu jira sidii ay u soo jiidan lahaayeen ciyaartoyda kubada cagta ee ugu caansan caalamka.

Dhowaan ayey aheyd markii kooxda Al-Nassr ee dalka Sacuudiga ay soo iibsatay ciyaartoyga Cristiano Ronaldo, ka dib markii ay kula heshiiyeen iney sanadkii siin doonaan mushahar gaaraya 200 oo milyan oo dollar.

Madaxa shirkadda Tata Sons ee dalka Hindiya ayaa “yaqyaqsi” ku tilmaamay dhacdo la sheegay in nin sakhraansan uu ku kaadiyay haweeney da’ ah oo la socotay mid ka mid ah duullimaadyadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Heshiiskii Somaliya & Somaliland oo meel xun maraya & Favori oo la siiyay fursad kale oo….

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo garab siiyay Qoys la damcay in Gurigooda xoog looga saaro (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Uhuru Kenyatta oo Maanta Shir Guddoominaya Golaha Ammaanka, Kana Hadlaya…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---