Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Magaalada Baydhabo+Ujeedka

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu horkacayo ayaa galabta gaaray magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ay wehliyaan Goliyaasha Dowladda iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa Magaalada Baydhabo soo dhoweeyey Wafdiga Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)

Socdaalka Gudoomiye Shiikh Aadan Madoobe ee Magaalada Baydhabo ayaa la xiriira ka qeyb galka Shirka Dib-uheshiisinta Koonfur Galbeed oo lagu Wado Maalmaha soo socda inuu ka furmo Magaalada Baydhabo.

Guddiga farsamada shirka ee uu magacaabay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa haatan ku sugan magaalada Baydhabo oo ay maalmo ka hor gaareen.

Shirkan ayaa la filayaa in la iskugu keeno siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada Koonfur Galbeed, waxaana ka qeyb galka shirkaas shuruudo adag ku xiray siyaasiyiinta diidan muddo kororsiga halka sano ah ee uu sameystay Madaxweyne Laftagareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muhaajiriin ku dhimatay badda Atlaantiga iyo Markab Dalxiis oo dad badan soo badbaadiyay

Cabdi Cade

Shir Madaxeed ka socday Baku oo qarka u saaran fashil iyo hal arrin oo sabab …

Cabdi Cade

Wasiir Shaaciyay sida Al Shabaab ku helaan xogta Kunteenarada Alaabaha ku raran ee Dekadda Muqdisho laga soo dejiyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---