Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Puntland oo ku dhawaaqday iney tahay dowlad ka madax banaan DF (Akhriso)

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay war-murtiyeed ay ku caddeyneyso inay tahay dowlad gaar ah oo ka madaxbannaan dowladda Federaalka.

“Puntland waxay Xaq u leedahay inay u dhaqanto sidii dawlad u madax bannaan fulinta waajibaadyadeeda dawliga ah” ayaa lagu yiri War murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Puntand.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili Madaxweyne Deni oo xalay ka hadlayey munaasabad ka dhacday Garoowe uu ku eedeeyey DF iney caqabad ku tahay nidaamka federaalka, ayna dooneyso iney soo celiso awoodii dowlad dhexe oo hal gacan ku maamusha dalka oo dhan.

Dhowaan ayey aheyd markii Puntland ay diiday qodobo ka mid ah War Murtiyeedkii ka soo baxay golaha wada tashiga Qaranka oo tilmaamayey awoodaha ay kala leeyihiin dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Puntland ayaa ka caan baxday 15kii sano ee la soo dhaafay iney mar walba ka hor timaado dowlada Somalia iyo go’aanada ka soo baxa, waxayna u dhameysay si ka duwan dowlad goboleedyada kale.

Hoos ka akhriso War-murtiyeedka oo dhameystiran

Related posts

Trump oo Sabab yaab leh u bedelay Miiskii yaalay Xafiiskiisa (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

DEG DEG: Xasan Shiikh Max’uud oo loo doortay Madaxweynaha 10aad ee Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---