Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Cali Guudlaawe oo warbixin xasaasi ah siiyey safirka Mareykanka ee Somalia

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Safirika  Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry André.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan amniga iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta ah ee socda deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Larry André in dagaaladii lala galay Al-Shabaab lagu jabiyay iyadoo laga xureeyay deegaano degmooyin ka tirsan Hirshabeelle haatanna lagu jiro waqtigii la soo afjari lahaa kooxda Al-shabaab ee cadowga ku ah jiritaanka umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa sidoo kale ka wadahadlay muhiimada ay leedahay in degaanada laga xoreeyay Al-shabaab laga fuliyo barnaamijyada xasilinta si ay bulshado u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda iyo kor u qaadida mashaariicda horumarineed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Magaalada qadiimiga ah ee Lalibela oo u gacan gashay Jabhada TPLF

Caydiid Ali

Facebook oo tirtiray qoraal uu soo dhigay Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed

Caydiid Ali

DF oo diyaarisay dhaqaale lagula tacaalo Coronavirus & Goobaha Waxbarashada oo la xirayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---