Allbanaadir.com
NEWS

Dalalka Afrika ee dhinaca Milatariga ugu awoodda badan oo la shaaciyay iyo Soomaaliya oo ka sara martay …

Warbixin Sanadeedka ay soo saarto hay’adda caalamiga ee Global Fire Power (GFP) ee qiimaysa awoodaha ciiddan ee dalalka Caalamka, ayaa soo bandhigtay dalalka xilligan dhinaca milatariga ugu awooda badan Afrika iyo kuwa ugu liita.

Hay’addan ayaa qiimeyn isbarbar-dhig ah ku samaysay dalalka Afrika kuyaalla marka loo eego dhinaca milatariga, waxaana kaalinta koobaad ku jira dalalka dhinaca milatariga ugu awoodda badan Afrika dalka Masar.

Qiimaynta sannadlaha ee hay’addu sameyso ayey sannadkan 2023-ka  ku soo bandhigtay 38-ka Waddan ee ugu awooda badan Milliteriga dalalka Afrika, waxaana jira dalal hoos u dhac ku yimid awoodda milatariga halka kuwa kalana ay sarakac sameeyeen.

Soomaaliya ayaa sannadkan qiimeynta ka gashay kaalinta 37-aad, waxaana hay’adda xustay in Soomaaliya dhinaca milatariga kaga awood badan tahay dalka Benin oo noqday dalka ugu liita awood ahaan qaarada Afrika.

Qaarada Afrika oo ka kooban 54-dal ayaana qiimeynta hay’adda shaacisay ku sameesay 38-dal, waxaana dalalka geeska Afrika kuyaalla ugu awoodda badan dalka Itoobiya oo sidoo kale qaarada Afrika ka noqday numberka shannaad ee ugu awoodda badan.

Halkan ka Akhriso liiska Waddamada ugu awooda badan Afrika

1- Masar,
2- Algeria,
3- South Africa,
4- Nigeria,
5- Ethiopia,
6- Angola,
7- Morocco,
8- Koongada Dimuqraadiga (DRC),
9- Tunisia,
10- Sudan,
11- Libya,
12- Uganda,
13- Kenya,
14- Zambia,
15- Chad,
16- Zimbabwe,
17- Cameroon,
18- Tanzania,
19- Iviry Coast,
20- Ghana,
21- Mali,
22- Mozambique,
23- Eritrea,
24- South Sudan,
25- Niger,
26- Burkina Faso,
27- Jamhuuriyada Kongo (ROC),
28- Namibia,
29- Botswana,
30- Senegal,
31- Madagascar,
32- Gabon,
33- Mauritania,
34- Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe (CAR),
35- Sierra Leone,
36- Liberia,
37- Somalia,
38- Benin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Emmanuel Macron oo albaabada u furay in Falastiin loo aqoonsado Dowlad

Cabdi Cade

Daawo:-Maxaa sababay in Wasiirka Maaliyadda uu diido lacag u fasaxay Khayre?

admin

Dowlada Somalia oo mar kale eedeyn dusha kaga tuurtay Dowladda Imaaraadka Carabta

admin
Taboola Ads ---