Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ceelkii ugu horeeyey ee shidaal oo laga helay degaan ka tirsan Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Cabdilaahi Faarax Cabdi ayaa sheegay in Ceelkii ugu horeeyey ee shidaal laga helay Somaliland

Cabdilaahi Faarax Cabdi ayaa intaas ku daray in kadib baaris cilmiyaysan oo Wasaarada Macdanta iyo tamartu ku samaysay dareere madow oo kasoo fatahay goob laga qodayay Ceel-biyood bishii Sebtember ee sannadkii hore ayaa la ogaaday in uu yahay shidaal rasmi ah.

Ceelkan ayaa ku yaalla degmada Sallaxlay oo ka tirsan gobolka Maroodijeex ee Somaliland, lamana sheegin weli cadadka shidaalka ku jira Ceelkan.

”Baaristii Shidaalkii Bah-dhamal natiijadii waxay noqtay in shidaal rasmi ahi ku jiro, khayraadka dabiiciga ah ee Ilaahay Dalkeena uu dhigay waxa ka faa’idaysan doonna Dhamaan Umadda reer Somaliland oo dhan, Bari ilaa Galbeed” ayuu yiri Wasiirka.

Shirkada Genel Energy ee ceelkan qodi doonta, ayaa sannadihii u dambaysay Somaliland ka waday shidaal baaris, waxayna arrintani ku soo beegantay xili dowlada Soomaaliya ay dhawaan diidmo ka muujisay howlaha ay shirkadu ka wado guddaha Somaliland oo ay ku tilmaantay mid sharci daro ah oo xad gudub ku ah madax banaanida iyo midnimada Somalia

Related posts

Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Afgooye & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Askartii shalay Al Shabaab ku laayeen Gudaha Kenya oo Soomaali u badnaa (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta kusii jeeda magaalada …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---