Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo Xarigga ka jaray Waddada 30-ka oo Dib u dhis Qurxoon lagu sameeyay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo axad ah xarigga ka jaray waddada 30-ka ee magaalada Garoowe, taasi oo dib loogu dhisay hab casri ah.

Waddadan ayaa lagu dhisay cashuurtii shacabka Garoowe oo ay dib ugu celisay caasimadda, Madaxweynaha ayaa boggaadiyey shaqada la qabtay wuxuuna muujiyey muhiimada Wadadan u leedahay isugu socodka magaalada.

Munaasabadda xariga looga jarayay waxaa goobjoog ka ah qaar kamid ah shacabka magaalada Garawe oo aad ugu faraxsanaa dhismaha waddadan oo ka qeybqaadaneysa quruxda iyo dib u dhiska magaaladaasi.

Maamulka Puntland uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni ayaa hirgaliyay mashaariic kala duwan oo lagu dhisay waddooyin badan oo bulshada muhiim u ah iyo sidoo kale buundooyin, waxaana wali socda mashaariic kale oon wali xarigga laga jarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mahad Salaad “Shalay Qalbi dhagax ayey dhiibeen Maantana Amal Nuur Cusmaan”

Caydiid Ali

Ilmo labo bilood jira oo Shan maalin Kaddib isaga oo nool burbur laga soo hoos saaray

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Cadeeyay sababihii fashaliyay Shirkii Garawe kana hadlay arimo kale oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---