Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta daahfuray Kacdoonka Haweenka Muqdisho, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.
Ololen ayuu qorshihiisu yahay in lagu soo afjaro kooxaha ka tirsan Al-shabaab ee ku dhuumaaleysaneysa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Mudane Xamse ayaa sheegay in doorka haweenka Soomaaliyeed ee sugidda amniga caasimadda uu yahay mid muhiim ah, maadaama dumarku ay lafdhabar u yihiin bulshada.
Waxa uu sheegay in gabdhaha iyo haweenka ku dhaqan gobolka Banaadir ay ku filan yihiin soo qabashada Al-shabaabka fara ku tiriska ah ee ku dhuumanaya shacabka dhexdiisa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com