Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo xariga ka jaray wadooyin cusub, mid kalena dhagax dhigay (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xariga ka jaray dhismaha wadooyin laga hirgeliyey degaano ka tirsan maamulkaas

Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Xarfo ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa intuu ku sugnaa halkaasi waxaa uu xariga ka jaray  Wadada Xarfo-Buurtinle, oo si dhameystiran oo Laami ah loo dhisay, Puntland oo kaashanaysa  Midowga Yurub iyo UNOPS ayaa suurtagelisay Wadada waxaana Qeybta farsamada dhismaha fuliyay Shirkadda wadaniga ah ee Isxilqaan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray wadad Laacdheere – Rabaable ee Gobolka Nugaal taasoo dhan  14 KM, oo dhisme iyo dayactir lagu sameeyay.

Sidoo kale Madaxweyne Deni wuxuu isla maanta dhaggax dhigay Wadada isku xirta Brita-dheer iyo Kalabayr oo lagu sameynayo dayactir iyo dib u dhis, waxaana ay qeyb ka tahay Waddooyinka ay dhisayso Shirkadda Kebarco.

Deni ayaa sidoo kale maanta xariga ka jaray Wadada Isku xirta deegaanka Xaarxaar iyo Degmada Burtinle, wadadaasi oo Hab casri ah oo Laami ah loo dhisay .

Dhismaha Wadada Xaarxaar iyo Degmada Buurtinle waxaa hirgelisay Dowladda Puntland oo kaashanaysa Midowga Yurub & UNOPS, waxaana dhistay Wadada Shirkadda Wadaniga ah ee Isxilqaan.

“Dowladda Puntland ayaa ahmiyad gaar ah siisay dhismaha Waddooyinka, waana qeyb ka mid ah qorshaha Dowladdu ku horumarinayso kaabayaasha dhaqaalaha iyo in dadku helo adeeg Dowladnimo oo dhameystiran” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Qorsheeyay fulinta qarax oo lagu qabtay Kampala iyo Booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade

Haweeney dil ay u adeegsatay xarig maanta Muqdisho ugu geesatay ninkeeda oo askari ahaa

Cabdi Cade

Shirkaddii Shanaad oo duulimaad caalami ah ka bilowday garoonka Aadan cadde (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---