Allbanaadir.com
NEWS

Maleeshiyaad hubeesan oo weerar ku qaaday xarun Degmo oo kutaalla Muqdisho

Maleeshiyaad hubeesan oo u abaabulan qaab beeleed ayaa maanta weerar ku qaaday xarunta degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay ilaalada xarunta iyo maleeshiyaadka hubeesan.

Sida aan wararka ku helnay maleeshiyaadka weerarka ku qaaday xarunta degmada Kaxda ayaa ka carreesan gabar ku jufo ah oo laga qaaday xilka aggaasimaha caafimaadka ee degmadaasi.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in maleeshiyaadka hubeesan gudaha u galeen xarunta degmada , waxaana halkaasi marraka qaar laga maqlayaa rasaas u dhaxeysa ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaadka hubeesan.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa wararku sheegayaan in ciidamo gurmad ah u direen xarunta degmada Kaxda ee weerarka lagu qaaday, waxaana la filayaa in halkaasi sidoo kale gaaraan saraakiil iyo masuuliyiin arrintan xal u raadinaya.

Malamihii lasoo dhaafay ayaana laga dareemayay degmada Kaxda xiisada ka dhalatay xil ka qaadista guddoomiyaha degmada ku sameeyay madaxii caafimaadka ee degmadaasi, waxa ayna arrintaasi maanta keentay in dagaal toos ah ka dhaco xarunta

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Ganacsade caan ah oo xalay lagu toogtay Magaalada Beled-wayne

Caydiid Ali

War cusub oo kusoo kordhay qaabkii loo dilay Seynisyahankii ugu sarreeyay Iran

Cabdi Cade

Faahfaahin: Saldhig ciidamada Kenya ku leeyihin Jubada hoose oo la weeraray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---