Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in kooxda Al Shabaab soo dalbatay Wadahadal

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa qaaday guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidamada huwanta ah la wareegeen degmooyin iyo deegaanno Al Shabaab muddo badan ka talinayeen.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabdifitaax Qaasim ayaa shaaciyay in kooxda Al Shabaab soo dalbadeen in wadahadal la furaan dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay wasiirka in kaliya dhankooda soo dhaweenayaan xubnaha katirsan Al Shabaab ee dalka u dhashay , waxa uuna cadeeyay in ajaaniibta katirsan Al Shabaab aysan wadahadal la fureyn .

Xildhibaan Cabdifataax Qaasim ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan xubnaha katirsan Al Shabaab ee go’aansada in ay kooxdaasi kasoo tagaan , waxa uuna xusay in xubnaha ajanaiibta iyana u furan tahay in dalalkii ay ka yimaadeen ku laabtaan ama la dilo.

Hadalka kasoo yeeray wasiir kuxigeenmka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli Al Shabaab wajahayaan guluf colaadeed oo kaga imaanaya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka oo is aruursaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Maareynta Lacagaha loogu deeqay Fatahaada Baladweyne oo la magacaabay

Cabdi Cade

Xaashi Cumar oo iska diiday 3-Malyan Euro oo Magdhaw ahaan loogu xukumay

Cabdi Cade

Dowlad xabsi daa’in ku xukuntay wiil yar oo labo sano jir ah (Sabab yaab leh)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---