Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh: “Way na dhibaysaa dilka & dhibaataynta shacab kor u qaadaya calanka Somalia”

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo salaadda Jimcada kula oogay Madaxda dalka, Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka ayaa ka hadlay halganka dalka lagaga xoreynayo al-shabaab, amniga, ilaalinta xasilloonida iyo arrimaha ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Waxa uu farriin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen Alshabaab, kuwaas oo wali haysta fursad ay kaga soo bixi karaan.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale baaq nabadeed u jeediyey dhinacyada arrinta ka taagan Laascaanood.

“Somaliland waxaan ugu baaqayaa in Halkii ay qori u adeegsan lahaayeen reer Laascaanood ay guddi dhexdhexaadin ah adeegsadaan. Reer Laascaanood waxaan leeyahay iska joojiya hadalada wax dhimi karaya nabada ee aad idaacadaha marinaysaan” ayuu yiri Xassan Shiikh

“Way na dhibaysaa dilka iyo dhibaataynta dad kor u qaadaya calanka  Soomaaliya’ ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

HOOS KA DAAWO HADALKA MADAXWEYNAHA..

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi oo hambalyo ku aadan Ciida u diray umadda Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Gudoomiynimada Cumar Filish oo maqaamka Caasimada Muqdisho hoos u dhigay, iyo maalmaha u haray oo kooban

admin

Rooble iyo wafdigiisa oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Qaahira (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---