Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka Sh/dhexe iyo Al-shabaab oo warar iska horjeeda ka soo saaray dagaalka

Afhayeeno u kala hadlay Maamulka gobolka Sh/dhexe iyo Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaaladii saaka ka dhacay degaanka Hilowle gaab oo ku yaalla xadka gobolada Sh/dhexe iyo Galgaduud.

Daauud Xaaji Cirro oo ah afhayeenka gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in ciidamada DF iyo dadka degaanka oo iskaashanaya ay iska caabiyeen weerar saaka aroortii lagu soo qaaday.

“Kooxda Khawaarijta diinlaawayaasha ah ayaa xili dambe oo xalay ah weerar ku bilowday qaraxyo waxay kusoo qaadeen deegaanka Hilowle gaab oo ah xadka Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud. Dagaalkii khawaarijta halkaas lagula galay oo socday in ka badan 3 saacadood ilaahay mahadiis Khawaarijtii way ku jabeen, Ciidamada geesiyaasha ah iyo walaalahooda deegaanka oo is garabsanaya ayaa firxadka codowga ku baacsanaya howdka galgaduud.

Afhayeenka ayaa qiray in dagaalka saaka ay ku dhinteen saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada DF.

“Geesiyaashii nooga shahiiday dagaalkaas oo ay ugu horeeyaan Taliye Xasan Cali Indhoole, Cabduqaadir Maxamuud Maxamed Teesto, Ciise Qooley iyo Axmed Nuur Shiine waxaan ilaahay uga baryayaa inuu ka aqbalo shuhadada jannatul fardowsana uu ka waraabiyo, Geesiyaasha dhaawaca ahna Eebbe caafimaad deg-deg ah ha siiyo.” ayuu yiri Daauud Xaaji Cirro.

Dhanka kale afhayeenka howlgalada Al-shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa isna guulo ka sheegtay dagaalka saaka

C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegay in ciidankiisu cagta mariyeen saldhig ciidan oo ku yaalla degaanka Hilowle Gaab ee dhaca Woqooyiga Degmada Ruun Nirgood ee Gobolka Shabeellada Dhexe, ayna furteen wixii hub iyo gaadiid yaallay saldhigga, isagoo xusay iney dileen tiro badan oo ah ciidamadii ku sugnaa halkaas.

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaybta 2aad :-Maxaad kala socotaa hashii Mucjisada aheyd ee la siiyey Nebi Saalax CS?

admin

Ciidamada Dowlada oo saakay weerar ku qaaday Jabhada uu hogaamiyo Jeneraal Xuud

Cabdi Cade

Jadwalka Doorashada Dowlad goboleedka Hirshabelle oo lasoo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---