Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakiil ku naf waayey dagaalka ka socda degaanka Hilowle gaab (Magacyada)

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya iyo Askar ayaa ka mid noqday dadkii ku dhintay weerarkii saaka Al-shabaab ku qaadeen degaanka Hilowle Gaab ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ragga ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ku qaadey degaanka Hilowle-Gaab waxaa inta la ogyahay ka mid ah; Cabduqaadir Teesto, Kabtan Ciise Qoobeey, Axmed Nuur Shiino iyo Gaashaanle Dhexe Xasan Cali Indhoole sida lag soo xigtay ilo wareedyo ku dhow ciidamada DF.

Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir, Axmed Xassan Caddow (Daaci) oo ku sugan degaanka la weeraray ee Hilowle gaab ayaa sheegay in saaka hiirtii aroornimo la soo weeraray degaanka, hase ahaatee la jebiyey kooxihii weerarka soo qaaday.

Waxaa uu intaas ku daray in labada dhinacba uu soo gaaray khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh balse uusan ka heynin tirakoob sax ah, wuxuuna intaas ku daray in ciidamada dowlada ay haatan ku daba jiraan firxadka raggii weerarka soo qaaaday.

Waxaa aad u adag in warar madax banaan laga helo degaanka Hilowle Gaab  sababo la xiriira isgarasiinta oo aad liidata

Hilowle gaab oo ka mid ah degaanadii dhowaan laga saaray Al-shabaab ayaa ku yaalla inta u dhexeysa degaanada Ruun Nirgood iyo Mesegawaay oo ka tirsan gobolada Sh/dhexe iyo Galgaduud, waana tuulo ay ku nool yihiin dad xoolo dhaqato u badan.

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar walaalkeed lacag u ururinaysay sannado badan si uu ugu guursado !!

Cabdi Cade

Heshiis dowladda la gashay Shirkad Imaaraadka laga leeyahay oo la meel-mariyay

Cabdi Cade

Dad Shacab ah oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Kaamjaroon iyo Xildhibaan ka hadlay

Cabdi Cade