Allbanaadir.com
NEWS

Fadeexada Qatar-gate ee ka taagan Baarlamaanka Yurub oo weji kale yeelatay

Fadeexaddii ka taagan Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa haatan noqotay mid qoto dheer, ka dib markii la soo jeediyey in xasaanadda laga xayuubiyo laba mudane oo kale, kuwaasoo lagu eedeeyey inay laaluush ka qaateen dalka Qatar.

Doha ayaa ka digtay, in baarista uu wado Midawga Yurub uu saamayn ku yeelan karo xiriirka dhaqaale ee ka dhexeeya Qatar iyo Midawga Yurub.

Dalkan ku yaalla gacanka Carabta ayaa ah, mid ka mida dalalka muhiimka ah ee shidaalka u dhoofiya Midawga Yurub, xilli uu hoos u dhacay shidaalkii ay ka heli jireen Ruushka.

Andrea Cozzolino iyo Marc Tarabella ayaa ah labadii mudane ee ugu dambeeyey ee ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub ee lagu soo oogo eedo la xiriirta fadeexadda musuqmaasuq ee ruxday Brussels. labadan mudane ayaa diiday inay wax laaluush ah ka qaateen dalka Qatar.

Baaritaan socday muddo sannad ah oo ay wadeen booliska dalka Belgium ayay bishii hore waxay u dhaceen guryo ay leeyihiin xubno ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub oo qaarkood ay haatan xil hayaan iyo qaar hore xilal u hayn jiray. Booliska ayaa guryahan ka helay illaa $1.6 milyan oo dollar oo cash ah.

Booliska ayaa sheegay inay illaa $158,000 ay ka helaan guriga ay deganayd mudanaha ka soo jeedda dalka Giriiga ee Eva Kaili, oo ka mid ahayd 14 madaxweyne ku xigeen ee uu leeyahay baarlamaanka Midawga Yurub. Waxaa lagu eedeeyey inay laaluush ka qaadatay dalka Qatar.

Sababta ay Qatar u bixisay laaluushkan ayaa lagu sheegay inay ahayd, inay dhaafsato, in loo fududeeyo masaalix dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo kaga xirnaa Midawga Yurub.

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada sheegtay in gacanta ku dhigtay sargaal katirsan Al Shabaab iyo dagaalyahano la socday

Cabdi Cade

Xukuumada Somalia oo war ka soo saartay wadahadalkii Rooble iyo Madax goboleedyada

Caydiid Ali

Wafdi sare oo ka socda Urur goboleedka IGAD oo soo gaaray Muqdisho

Cabdi Cade