Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Jocelyn Mason? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Madaxa ugu sareeya Hay’adda UNDP ee Somalia Jocelyn Mason.

Kulankan ayaa looga hadlay kor u qaadida mashaariicda Horumarinta iyo hirgalinta mashaariic waxtar u leh bulshada oo laga fuliyo dhamaan degaanadii laga xureeyay alshabaab sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle.

Madaxweynaha iyo Jocelyn Mason ayaa isla qaatay dardargalinta barnaamijyada xasilinta oo laga fulinayo degaanada iyo degmooyinka laga xoreeyay al-shabaab si ay bulshada u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda.

Hirshabelle ayaa ka mid ah maamulada ugu liita dalka ee ay la dagtay horumar la’aanta, xili degaanada hoostaga maamulkaas ay yihiin kuwa ugu kheyraadka badan dalka dhinaca beeraha iyo kallumeysiga.

Madaxda maamulkaas ayaa lagu eedeeyaa iney is hortaag ku sameeyaan mashaariicda ay wadaan heyadaha, iyagoo ku xujeeya dano gaar ah sida in marka hore iyaga la afgarto iyo shaqaalaha mashaariicda la fulinayo loogu daro dad eheladooda ah taasoo sababta in mashaariicdaas loo weeciyo degaano kale.

 

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Erdogan oo Israa’iil ku tilmaamay argagixiso si adagna u weeraray reer galbeedka

Cabdi Cade

Dowlad ka tirsan Koonfurta qaarada Amerika oo dalkeeda ka eriday Safiirkii Israel

Caydiid Ali

Al Shabaab oo qaraxyo kusoo weerartay Ciidanka Danab ee la wareegay Janaale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---