Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Erdogan oo dhigiisa Putin ka dhameeyey arin uu horey u diidanaa

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ku cadaadiyey dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin inuu xabbad-joojin “hal dhinac ah” uga dhowaaqo Ukraine.

“Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay in baaqyada nabadeed iyo wada xaajoodka ay tahay in lagu taageero xabbad joojin hal dhinac ah iyo aragti lagu doonayo xal dhex-dhexaad ah,” waxaa sidaas laga soo xigtay xafiiskiisa inuu u sheegay Putin oo ay ku wada-hadleen taleefonka.

Erdogan ayaa lagu waday inuu wadahadalka raaciyo mid kale oo gaar ah oo uu la yeelanayo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky galinka dambe ee Khamiista maanta ah.

Turkey ayaa martigalisay laba wareeg oo hore oo wadahadallo nabadeed ah, waxayna gacan ka gaystay in la fuliyo heshiis ay Qaramada Midoobay taageereyso oo dib loogu soo celinayo in haruurka Ukraine laga gudbiyo Badda Madow.

Erdogan ayaa sidoo kale marar badan isku dayay inuu Putin iyo Zelensky keeno Turkiga, oo uu u qabto shir madaxeed nabadeed .

Baaqa Erdogan ee xabbad joojinta ayaa daba socday soo-jeedin horraantii Khamiista ka timid hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Ruushka Patriarch Kirill oo ku aadan in xabad-joojin la sameeyo toddobaadkan ciidda masiixiga darteed.

Erdogan wuxuu awooday inuu sii wado xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay Putin, isagoo diiday inuu ku biiro cunaqabateynta Reer Galbeedka ee Ruushka, iyo kor u qaadista ganacsiga labada dhinac inta uu socdo dagaalka.

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa u adeegsanaya xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay Moscow iyo Kyiv inuu isku dayo inuu dhexdhexaadiyo in la joojiyo dagaalka.

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Qarax labaad oo ka dhacay aaga hotelka SYL iyo Wararkii u dambeeyey

Caydiid Ali

Baarlamaanka Puntland oo cadeeyay cida noqoneysa ku simaha Madaxweynaha (Akhriso)

Cabdi Cade

Sheekada Da’yarka la damqada xilli kasta Uur-ku-taallo uu la nool yahay !

Cabdi Cade