Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Wasiirada oo ansixiyey sharcigii ugu horeeyey ee ay yeelato Hey’adda NISA (Sawirro)

Kulankii Maanta ee Golaha Wasiirada ayaa waxa guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda DanQaran in ay diyaariyeen isla markaana soo bandhigeen qorshe sanadeed waafaqsan hiigsiga Qaranka, gaar ahaan dib xoreynta dalka iyo dib u dhiska ciidamada Qaranka.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Wasiirrada inay wax ka beddelaan hab-dhaqankii hore ee ahaa dhayalsiga hawlaha qaranka iyo isla xisaabtan la’aanta.

Kulanka ayaa Golaha Wasiirradu waxay ku ansixiyeen laba sharci oo muhiim ah oo kala ah Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Hindise Sharciyeedka Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Sharcigan cusub ayaa waxa uu Hey’adda NISA ka dhigayaa mid uu sharcigu ka sarreeyo garsooruhuna ka adag yahay; dadka Soomaaliyeedna aanay ka cabsan.

Hindisaha maanta la ansixiyay ayaa sharciyeynaya jiritaanka hay’adda oo aan horay u laheyn sifo sharci ah oo dhameystiran, iyadoo muddo 53 sano kadib uu sharcigan baabi’inayo xeer lamber 14 oo lagu sameeyay sanadkii 1970.

Waxaa sidoo kale Golaha Wasiiradu maanta ansixiyay heshiisyo ay wada gaareen Dowladda Soomaaliya iyo Masar oo la xiriira dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, waxbarashada, arrimaha diinta iyo awqaafta.

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaybta 4 aad :-Xal ma Leeyahay Khilaafka Dowladda Federaalka & Dowlad-goboleedyada Qore:- Mohamed Abdi Adan -Xoosh

admin

(Daawo Sawirro) Rai’sul Wasaare Khayre oo Shirweyne Muhiim ah ka furay Muqdisho

Caydiid Ali

Nin hubeesan oo Toogasho dad badan lagu dilay ka fuliyay magaalada Buffalo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---