Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo arrimo Xasaasi ah kala hadlay Mohamed El-Amine (Sawirro)

Madaxweynaha  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Ergeyga cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed El-Amine Souef.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud Hirshabeelle gaar ahaan howlgallada ka socda deegaanada Hirshabeelle ee looga ciribtirayo  alshabaab oo qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo dadka deegaanka oo is garabsanaya ay kasoo hoyeen guulo is dabajoog ah.

Madaxweynaha ayaa danjire Mohamed Souef ka guddoomay dhambaal tacsi ah kadib qarixii shalay alshabaab ka geysteen degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan waxa uuna dhanka kale kaga mahadceliyay taageerada ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn kulankaan ayaa looga hadlay xoojinta doorka Midowga Afrika ee dardargalinta howlgallada lagu ciribtirayo alshabaab, taageerada horumarineed iyo Nabadeynta deegaanada Hirshabeelle.

Related posts

Qof Soomaali ah oo jinsiyad kale heysta, madax heerkee ah ayey tahay inay ka noqdaan dalka ?

admin

Xildhibaan Shaaciyay in Somalia loo qorayo Maleeshiyo beeleedyo iyo calooshood u shaqeystayal !!

admin

Ciidanka Kumaandooska Somalia oo bur buriyay Saldhig Al Shabaab lahaayeen (Daawo Sawirro)

admin
Taboola Ads ---