Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe oo kala hadlay Midowga Afrika Sugida Amniga goobta uu ka dhacayo shirka…

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Amb. Mohamed El-Amine Souef, La-taliyaha Dhanka Howlgalka Jeneraal Peter Omola Iyo Madaxa Siyaasadda ee ATMIS Mudane Babatunde Taiwo.

Guddoomiyaha iyo Saraakiisa howl-galka nabad ilaalinta ATMIS kulankooda ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga goobta uu ka furmaayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Madaxda howlgalka nabbad ilaalinta ee ATMIS ayaa soo dhaweeyay shirka dib u heshiisiinta ee loo qabanayo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, waxayna ballan qaadeen in in ay ka shaqeyn doonaan sugidda amniga goobta uu shirku ka dhacayo.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa gogol u fidiyay siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanadda maamulka Koonfur Galbeed ,si looga wada hadlo khilaafaad xooggan oo ka dhax jira siyasaiyiinta mucaaradka iyo muxaafidka.

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Puntland oo ku dhawaaqday iney kalsoonidii kala noqotay dowlada Somalia

Caydiid Ali

Kenya oo fulisay qodobkii ugu weynaa heshiiskii ay dhowaan la saxiixatay Farmaajo

Caydiid Ali

(Sawirro) Muxuu RW Rooble ku soo arkay xerada Ciidamada Danab ee Bali doogle?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---