Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shirkadda iska leh Facebook oo lagu ganaaxay Malaayiin Dollar iyo Dambiga loo heesto

Shirkadda Meta ee iska leh barta Facebook  iyo baro kale oo bulsho ayaa lagu ganaaxay lacag malaayiin dollar ah, kaddib markii lagu eedeeyay xadgudubyo gaar ah oo la xiriira xogta gaarka ah ee dadku leeyihiin.

Xeer-nidaamiyayaasha Midawga Yurub ayaana ku ganaaxay shirkadda Meta 390 milyan oo Yuuro oo u dhiganta ($414 milyan), waxaana shirkadda lagu eedeeyay in ay ka mamnuucay in shirkaddu ay isticmaalayaasha ku nool 27-ka waddan ee Midawga Yurub, inay ku khasabto inay aqbalaan xayaysiisyada shakhsiga ah ee ku salaysan meelaha ay booqdaan, inta ay ku jiraan shabakadda.

Guddiga Ilaalinta Xogta ee Ireland ayaa ganaaxa lagu riday Meta ku salaysay go’aankooda la xariira qaabka ganacsiga ee shirkadda Meta ay isku waafajiso isticmaalayaasheeda iyo xayaysiisyada ku salaysan waxa ay dadkaasi doonayaan, iyada oo ku salaynaysa waxyaabaha ay dadkaasi xiiseeyaan inta ay internetka isticmaalayaan.

Qoraal kasoo baxay shirkadda Meta ayey ku beenisay qaar kamid ah eedeymaha loo soo jeediyay, waxa ayna shirkadda cadeesay in ay racfaan ka qaadaneyso ganaaxa lacageed ee lagu soo rogay.

 

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran oo u digtay Mareykanka ka dib weeraradii uu ka fuliyey Siiriya & Ciraaq

Caydiid Ali

Raísul Wasaare Xamse Barre oo goordhaw gaaray Aadan Yabaal lana kulmaya Saraakiil ciidan

Cabdi Cade

Jubbaland oo dhagaha ka fureesatay Baaqii Musharaxiinta iyo Puntland oo laga war sugayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---