Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha ee xukuumada Somalia C/rashiid Xaaji Cabdi ayaa shaqada ka joojiyey Maareeyaha guud ee heyadda tayo dhowrka Soomaaliyeed Cali Yaasiin Gurbe.
Qoraal uu soo saaray wasiirka ayaa lagu sheegay in Maareeyaha guud ee heyadda tayo dhowrka uu ku kacay falal ay ka mid yihiin musuqmaasuq, wada shaqeyn la’aan, ku takri fal awoodeed iyo arrimo kale.
Xilkii Maareeyaha Guud ee hay’addaas waxaa si ku meel gaar ah ugu sii shaqeyn doonta Maareeye ku xigeenka hay’adda Marwo Xaawo Axmed Xasan sida ku xusan qoraalka.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASIIRKA
Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com