Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay Shir Xasaasi ah oo looga hadlay Amniga (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlayey xaaladda amniga dalka iyo cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay hawlgallada dib u xoreynta, oo illaa hadda guulo waaweyn laga gaaray gaar ahaan gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha kooxda Al Shabaan ayaa lagu dilay in ka badan 2000 oo dagaalyahan  afartii bilood ee u dambeysay.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa xusay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Al Shabaab oo hadda wakhtigooda uu gabaabsi yahay.

Waxaa kale oo uu sheegay in xukuumaddu dadaal gelin doonto sidii ay ugu guulaysan lahayd in dalkeenna laga qaado cuna-qabateynta hubka.

Shirka ayaa lagu soo jeediyay dhisitaanka guddi ka kooban laba heer oo kala ah guddi fulin iyo guddi farsamo oo ka shaqeyn doona fulinta bartil-maameedyada qorsheysan ee Dowladda Soomaaliya ku xaqiijinayso in dalka si dhameystirsan looga qaado Cunaqabataynta hubka, taasi lagu fulinayo muddo sanad gudaheed ah.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale lagu gorfeeyey hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada iyo hindise sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

Related posts

Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo ansixiyey Saddex Hindise sharciyeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Is qabqabsi ka dhashay Magaca Xisbiga uu Gudoomiyaha ka yahay Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Madaxweyne aan weli xilka loo dhaarin oo ka badbaaday afgembi (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---