Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Dhaawacyada Masuuliyiin iyo dad kale oo ku dhaawacmay Qaraxyadii Maxaas oo Muqdisho la keenay

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho lasoo gaarsiiyay qaar badan oo kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay degmada Maxaad ee gobolka Hiiraan.

Dhaawacyada goordhaw lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ayaa gaaraya 28 qof oo dhaawacyo culus qaba, waxaana dhaawacyadan intooda badan oa geeyay isbitaalka Digfeer.

Dadka dhaawacyadooda la keenay magaalada Muqdisho waxaa ku jira masuuliyiin uu kamid yahay guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Fooley iyo saraakiil kale oo ku dhaawacmay qaraxyadii Maxaas.

Dowladda Soomaaliya ayaana diyaarad u dirtay gobolka Hiiraan si ay dhaawacyada culus ee wax ku noqday qaraxyadii Maxaas u keenaan magaalada Muqdisho.

Qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee saakay lagu weeraray degmada Maxaas waxaa ku dhintay dad ka badan 20 qof oo isugu jira shacab iyo ciidan , waxaa sidoo kale ku burburay dhismayaal kala duwan.

 

Related posts

Shiikh Shariif: “Waa wax aad looga xumaado wixii ka dhacay maanta kulankii labada aqal”

Caydiid Ali

DEG DEG: Cali Daahir Ciid oo ka hor yimid Warqadii Qoorqoor, amar cusubna bixiyey

Caydiid Ali

Dayuuradaha Maraykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---