Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Weerar culus oo lagu qaaday saldhig ciidamada Somaliland ku leeyihiin magaalada Laascaanood

Maleeshiyaad deegaanka ah oo ka carreesan dhibaatada ciidamada maamulka Somaliland ku hayaan shacabka magaalada Laascaanood ayaa xalay weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada ku leeyihiin magaaladaasi.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in maleeshiyaadka hubeesan weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada booliiska iyo kuwa milatariga Somaliland kaga sugnaayeen magaalada Laascaanood gaar ahaan xaafada Durdur.

Labada dhinac ayaa is dhaafsaday rasaas culus , waxaana dagaalka joogsaday markii maleeshiyaadkii ciidamada weerarka ku qaaday ay dib uga laabteen saldhigii ay weerarka ku qaadeen.

Weerarka xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhasheen khasaaro kala duwan oo soo gaaray dadka shacabka ah iyo sidoo kale dhinacyadii dirirtu dhax martay.

Magaalada Laascaanood waxaa todobaadkii labaad oo xiriir ah ka socda bannaan baxyo rabshada wata oo ay dhigayaan shacabka magaaladaasi, waxaana rabshadaha ku dhintay dad ka badan 20-qof oo shacab u badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga doorashada federaalka oo 48 saac u qabtay Hirshabelle, Puntland & Jubbaland

Caydiid Ali

Xog hordhac ah oo Laga helayo qarixii gobalka banaadir iyo heshiiskii lala galay Ahlu suna oo qarka u saaran in ….

admin

Xildhibaanno codsaday in xarunta ay ku shiraan looga dhax sameeyo goob ay isku qurxiyaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---