Allbanaadir.com
NEWS

Dalkii Labaad oo Dunida kuyaala oo Qudus u aqoonsaday Caasimada Israa’iil

Dowlada Mareykanka ayaa dhawaan magaalada Qudus u aqoonsatay Caasimada Maamulka Israa’il, waxa ayna Dowlada Mareykanka sheegtay in safaaradooda kutaala magaalada Talaviv u rarayaan magaalada Qudus.

Dalkii Guatemala  ayaa ku dhawaaqay in magaalada Qudus u aqoonsan yahay Caasimada Israa’il, waxaana Madaxweynaha dalkaasi shaaciyay in Safaaradooda u rarayaan magaalada Qudus uu muranka ka taagan yahay.

Madaxweynaha dalka Guatemala Jimmy Morales ayaa amray in safaaradood loo raro magaalada Qudus, waxa uuna sheegay in go’aankaasi uu qaatay kadib markii uu la hadlay R/Wasaaraha Israa’il.

Dalkan yar ee Guatemala ayaa kamid ahaa sagaalkii wadan ee dhawaan kasoo horjeestay Qaraarkii Qaramada Midoobay Mareykanka uga dalbaneysaay in uu kaga laabto go’aankii uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimada Israa’il.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masar: “Howlgalka AUSSOM waan ka qeyb qaadaneynaa”

Caydiid Ali

Dacwado lagu soo oogay saraakiil Shiinaha u dhalatay oo hawlgallo ka fuliyey gudaha Maraykanka

Cabdi Cade

Puntland oo si kulul u beenisay Eedeyn culus oo uga timid maamulka Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---