Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Golaha shacabka Somalia? (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 7-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo ay wehliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka maanta oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee hindisa sharciyeedka cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman, iyo warbxinta xildhibaannada deegaan doorashooyinkoodu ugu maqnaa ka xorreynta kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xildhibaannadda Golaha Shacabka warbixin ka siiyey  hindise sharciyeedka cunaqabatayn maaliyadeed ee cayiman. Wasiirka ayaa sharraxaad ka bixiyay muhiimadda sharcigan inuu dalka wax ka bedeli karo nidaamka maaliyadeed ee dalka. Xildhibaannadda Golaha Shacabka ayaa iyagana waxay soo jeediyeen in  dib loo saxo qaladaad ka jiray buugga loo qeybiyay Golaha.

Dhanka kale Xildhibaannada qaar ee Golaha Shacabka ayaa ka warbixiyay xaalada deegaan doorashooyinkooda kuwaaso kala matalaayay Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, iyagoo sheegay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagaxisada lana gaarsiiyo gargaar deegaannada la xorreeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa soo jeediyay in guddi loo saaro arrinta Gobolka Sool, isagoo muujiyey in ay tahay wax laga xumaado loona turo dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ballaarinta xubnaha BRICS, Afrika iyo Galbeedka ma waxay u tahay isku dheelitir awoodeed ama is jiidjiid cusub?

Cabdi Cade

Kaalintee Somalia ka gashay liiska dalalka Caalamka ugu Nabdoon sanadkii hore ?

Caydiid Ali

Qofkii ugu horeeyey oo Muqdisho ugu dhintay Coronavirus & kiisas cusub oo la helay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---