Allbanaadir.com
NEWS

Tirada khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay rabshadaha Laascaanood oo la Shaaciyay

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay rabshadaha isbuucii labaad ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Shaqaale caafimaad oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa xog uruurin ay sameeyeen ku ogaaday in dadka ku dhintay rabshadaha wali socda gaarayaan 20 qof, halka kuwa dhaawacmay intaas ka badan yihiin.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay rabshadaha ayaa u badan dad shacab ah oo isugu jira wiilal ,gabdho iyo dad kale oo da’ ah ay ku jiraan culumaa’udiin.

Khasaaraha ka dhalanaya rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ayaa laga cabsi qabaa in ay kasii bataan inta hadda la ogyahay maadaama wali rabshadaha yihiin kuwa socda.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa awood u adeegsanaya dadka shacabka ah ee dhigaya dibad baxyada looga soo horjeedo maamulka Madaxweyne Biixi.

Related posts

Dowladaha Somalia & Cuman oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo la xiriira..

Caydiid Ali

Wasiir George Magoha oo Raaligelin ka bixiyay hadalkii uu ku yiri Ruqiya Buulle !

Cabdi Cade

Tirada Weerarada Mareykanka ka fuliyay gudaha Soomaaliya Xiligii maamulka Trump oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---