Munaasabad lagu daahfurayey xarun cusub oo ay shirkadda SOMEAT ka furatay xaafadda Baar-Ubax ee degmada Hawlwadaag ayaa waxaa kasoo qeybgalay maamulka degmada Hawlwadaag oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha degmada, maamulka sare ee shirkadda iyo marti sharaf kale.
Maamulka shirkadda Sommeat oo ka hadlay munaasabadda xarig jarka xaruntan cusub ayaa sheegay in baahi jirta awgeed xaafada Baar Ubax uga fureen xaruntan cusub oo ay sheegeen in dadku ka heli doonaan nuucyo kala duwan oo hilib fresh ah .
Bulshada ku dhaqan aagga laga furay xarunta cusub ee shirkadda ayaa dhankooda si weyn usoo dhoweysay furitaanka xaruntan, waxayna sheegeen in ay fursad muhiim ah u tahay usoo dhowaanshaha shirkadda SOMEAT.
Shirkadda hilibka Soomaaliyeed ee (Sommeat) ayaa xarumo kala duwan horey ugu laheyd qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxa ayna shirkadda qorsheeneysaa in xarumo kale mustaqabalka ka hirgeliso degmooyin kale oo hor leh.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com