Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Putin oo Casuumaad u fidiyey Madaxweyne caan ah oo xalay uun loo dhaariyey Xilkaasi

Madaxa Aqalka Senate-ka ee Federalka Raashiya, Valentina Matviyenko ayaa la sheegay inay Madaxweynaha cusub ee dalka Brazil, Luis Inácio Lula da Silva u gudbisay Dhambaal Qoraal Casuumaad ah oo ay ka waday Madaxweyne Vladimir Putin.

Warbaahinta Raashiya waxay shaaciyeen in Casuumaada loo gudbiyey Madaxweynaha cusub ee Brazil, Luis Inácio Lula da Silva isla Munaasabadii caawa loogu caleema-saaray Xilkaasi.

Madaxa Aqalka Senate-ka Raashiya, Valentina Matviyenko waxay kaloo xusay inay Fariin ay ka waday Madaxweyne Putin u gudbisay Madaxweynaha Xurmadda badan ee Brazil, Luis Inácio Lula da Silva iyo inay u xaqiijisay inay ka wada sugayaan Madaxweynaha cusub inuu booqasho ku tago magaalladda Moscow sida ugu dhaqsaha badan oo Qorshihiisa Shaqo u saamaxdo.

Waxay kaloo xusay in Ka-qeybgalka Wafdiga Raashiya ee Caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Brazil tahay Astaanta Xushmadda iyo Calaamadda inay Raashiya danaynayso in la sii wado horumarinta Xiriirada labada Waddan iyo shacabkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Axmed Madoobe ka yiri Magacaabida RW Max’ed Xuseen Rooble?

Caydiid Ali

Dib u dhigista hawlaha Dekadda qalalan ee Muqdisho iyo Saameynta ay yeelan karto (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Haweeney Doolsho si anshax daro ah u sameesay oo la xiray iyo Hadal heyn ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---