Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Q/Midoobay oo taageero u muujisay qorshe uu wado Shiikh Aadan Madoobe (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya ee (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho.

Kulanka Guddoomiyaha iyo Marwo Anita Kiki ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh dib u heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed.

Anita Kiki Gbeho xustay inay UNSOM taageereyso dadaalada uu garwadeenka ka  yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS si loo helo isfaham bulsho loona sii amba qaado xorreeynta deegaannada argagaxisada go’doomiyeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa gunnaanadka kulanka ayuu Marwo Anita Kiki Gbeho oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Kaalmeynta Soomaaliya la wadaagay halka ay mareyso arrimaha dib u heshiisiinta  Koonfur Galbeed isagoo la wadaagay inuu kulamo la qaatay siyaasiyiinta ka aragti duwan Maamulka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: DF oo xalisay dhibaato muddo sanado ah jirtay & dagaal culus oo ka dhacay..

Caydiid Ali

Golaha Wasiirrada oo baaq ka dhan ah Itoobiya ah u dirtay dadka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Gantaalkii kasoo fakaday dowlada Shiinaha oo dhulka kusoo dhacay (Xagee ku dhacay)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---