Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saddex Wasiir oo dokumentiyo muhiim ku wareejiyey RW Xamse (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta ka guddoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023.

Wasiirada gudbiyey qorshe howleedka waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaaleynta ahna ku-simaha Wasiirka, Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka dhageystay, isla markaana su’aalo muhiim ah ka weydiiyay masuuliyiinta Wasaaradaha qorshooyinka hawleed iyo ballanqaadyada waxqabad ee ay soo bandhigeen kuwaas oo la doonayo in la fuliyo sanadka cusub ee 2023

.Ra’iisul Wasaaruhu waxuu kula dardaarmay wasiirrada in la xoojiyo wadashaqaynta ka dhaxeysa hey’adaha kale ee dowladda, Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, si guulo wax ku ool ah looga gaaro arrimaha horqabadka u leh Xukuumadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aadan Madoobe oo la kulmay Xoghayaha Hay’adda ka Hortaga Tijaabada Nuclearka (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxkamada Ciidamada oo Xukuno kala duwan ku riday Labo Eedeysane (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowlada Kenya oo War ka soo saartay doorashadii Axmed Madoobe (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---