Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu yahay sharciga cusub ee uu saxiixay Madaxweyne Xassan Sheekh? (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2023 oo Todobaadkii tagay ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo xusay kororka miisaaniyadda ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, dib u dhiska ciidamada iyo xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boggaadiyey Mudaneyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo Ciidamo u dirtay Deegaano ay ku dagaalameen Daacish iyo Shabaab

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo booqday Xarumaha Gurmadka deg-degga (Sawirro)

Cabdi Cade

Cilmi-Baaris lagu ogaadey in EVC Plus sare u qaadey Horumarka Maaliyada dalka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---