Dowlada Mareykanka ayaa war ka soo saartay shaqaaqada maalintii 5aad ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool taasoo timid markii ay isku dhaceen Booliska Somaliland iyo dad dhigayey dibed baxyo rabashado watay oo ka cabanayey dilal magaaladaas ku soo batay.
Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa qoraal ay barteeda Twitterka soo dhigtay waxay ku baaqday nabad iyo xaaladda la dajiyo sarreynta sharcigana loo soo noqdo lana joojiyo dhibaatooyinka dadka rayadka loo geysanayo.
“Waxaan ka mid nahay codadka Soomaaliyeed ee ku baaqaya in la dejiyo rabshadaha ka socda Laascaanood. Waa in loo hogaansamo sharciga iyo nabadda si loo soo afjaro dhibaataynta dadka rayidka ah iyo burburinta hantida” ayuu lagu yiri qoraalka Safaarada.
Xarunta xuquuqda aadanaha ee Somaliland ayaa xaqiijisey in 7 qof ay ku dhinteen 21 kalena ay ku dhaawacmeen is raasaaseyn ka dhacday magaalada Laascaanood. Xarunta ayaa cambaareysay hubka loo adeegsanaya dadka dibadbaxyada ka dhigaya magaalada Laascaanood.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com