Qofku marka uu addunka imanayo waxba lama yimaado, wuxuuna la taga marka uu dhimanayo wixii uu la yimid oo ah waxba, taas waxey daliil cadeyna u tahay in dhulku uu yahay wax qof walba ku ah amaaha la siiyey oo aan la kala lahayn marka uu banana yahay, dadkana lagu aaminey amaahdaas iney si ku dhisan caqli wanaagsan ay wakhti gaaban si nabad iyo xasilooni leh ay ugu wada noolaadaan.
Sidaas oo ay tahay ayaa dad aad u fara badan waxey ku dagaalamaan lahaanshaha dhulal ay ka guurayaan ama ay ka tegayaan oo ay ka dhamaanayaan wakhti dambe, waxeyna dagaaladaas kala kulmaan dhimasho aad u fara badan iyo naafo hawlgaba, iyo weliba silac nololeed oo cabsi iyo degenaasho la’aan wehl u la noqota noloshooda, taas oo sabab u noqota inaysan marna helin xasilooni nabadeed oo ay macaanka nolosha adduunka ugu noolaan.
Waxaa ku cibro qaadasho fiican noogu filan taariikhda xuseysa wixii ka dhacay carrada Mareykanka oo ay ku noolaayeen qabiilo isku isira oo ka soo wada jeeda asal ahaan Hindidii ama Cali beysteenkii loogu yimid cariga Mareykanka, kuwaas oo u qeybsanaa qabiilo ku dagaalamayey lahaanshaha dhulalka iyo xukumidooda, waxeyna taas dhaxal siisay iney isku baabi’yaan oo ay cadow ahaan isku gumaadaan, iyagoo weliba ku nool nolol silicsan.
Ayaandaro dhulkii ay isku laayeen oo ay ku kala dhinteen way ka sal guureen, waxaana si sahlan ku hantay qaxooti ka soo hayaamay dhulalka Yurub oo iyaga naftoodu dhulalka ay ka yimaadeen isku soo laayey, taas oo ka dhigtay dadkii Hindida ahaa ee carada Mareykanka loogu yimid iney dhulkoodii ugu jiraan xeryo qaxooti, iyagoo sabab u noqday iney noqdaan laangaab ay iyagu iska dhigeen iyo liidasho nololeed tii ugu xumeyd oo ay ku nool yihinn ilaa iyo hadda.
Soomaaliya dhulka maanta loo aqoonsan yahay waxaa ku nool Soomaali asal ahaan loogu yimid dhulalka ay hadda degen yihiin, waxaana ku daatay dhiig aad u fara badan oo ay qabiilada Soomaaliyeed oo ah reer guuraa ay degaanada isaga riixanayeen, haddana ay dhacdo inta ku dagaalamaan deegaano dhuleed iney haddana islamarkaas ay isaga guureen wakhtiyo dambe kadib marka ay dhiig badan ku daadiyeen hanashadiisa, iyagoo weliba ku nool nolosha miyaga oo ah mid aad u ah saxariir naareed oo aan lahayn wax horumara.
Waxaan uga ogolleeyahay araartaas hore in dhibaatooyinka ka taagan dhulka Waqooyiga Soomaaliya oo hadda la baxay Somaliland ay hadda ka taagan tahay waxyaabihii foosha xumaa oo cawaaqib xumadooda aan ka dhaxalnay waayo aragnimadii sooyaalka caalamka iyo kuwa Soomaalida, sidaas daradeedna loo baahan yahay in xooga iyo dilka laga joojiyo dadka diidan lahaanshaha dhulka iyo xukunka Somaliland oo labaduba isku xiran.
Runtu waxey tahay in dadka asal ahaan ka soo hayaamay Bariga Soomaaliya oo soo dhowyn wanaagsan ka helay dadka asal ahaan u degenaa Waqooyiga Soomaaliya iney joojiyaan damacooda ku dhisan lahaanshaha ay ku heleen dhulbalaarsiga ku saleysan qabyaaladda oo dhibaatadii ay uga soo guureen Bariga Soomaaliya aysan la soo gelin Waqooyiga Soomaaliya oo ay qadariyaan xididnimada, xigaalada, iyo sokeeyenimada loo soo dhoweystey.
Dadka asal ahaan wakhtiga dheer degenaa Waqooyiga Soomaaliya oo awooweyaashood ay ogolaadeen iney degaankooda la wadaagaan qabiilada ka soo qaxay Bariga Soomaaliya, waxaa looga baahan yahay iney ilaaliyaan nabadgelyada iyo xasiloonida oo ay ka shaqeeyaan sidii dadku ay si fiican ugu wada degenaan lahayeen dhulka Somaliland oo ay weliba xaqiijiyaan sidii xuquuq iyo xoriyad siman loogu wada yeelan lahaa ku wada noolaashaha Somaliland.
Ma jirto cid ku liibaaneysa xukun qabiil oo isi siinaya lahaanshaha degaano ay dadku si wanaagsan ugu wada noolaan karaan si walaaltinimo Soomaaliyeed leh oo xeer dowladnimo oo heshiis lagu wada yahay dadka guud ahaan loogu wada dhiqi karo, iyadoon cid gaara aan dowladnimada loogu bartilmaameydsaneyn ama qabiil gaara uusan gooni uga istaagi lahayn xukunka dadka intiisa badan ay raacsan yihiin, iyagoo aragti qabyaaladeed ku mucaaradaya xukunka inta tirada badan.
Maamulka Somaliland oo wanaaga dowlad ku wada noolaashaha caan ku ah waxaa looga baahan yahay in shacabka xukunkooda ku hoos nool ay ka joojiyaan siyaasadaha aysan talo wadaaga kula ahayn oo aysan rabin in lagu dirqiyo, kuwaas oo horseedi karta bilowga dagaal sokeeye oo ku saleysan siyaasad qabyaaladeysan, waxaana mudan tixgelin in madaxda Somaliland ay shacabkeeda si nabadgelyo leh ay ugu qanciso sharciyada xeerinaya in degaanada maamulidooda dhuleed iyo xukumidoodaba ay tahay kuwo hoos imaneysa waajibaadka ay u xilsaaran tahay maamulka dowladda Somaliland, taas waxey meesha ka saareysaa guud ahaan in laahaansha dhulalka ay yihiin kuwo ay iska leeyihiin qabiilada iyo inuu dhiig ku daato qabiilo isriixriixaya oo dhulalka kala dhacaya ama doonaya in xukumideeda ay si gaara u yeeshaan qabiilada degen.
Waa wax laga argagaxo dad noloshoodu ay aad u liidato oo ku nool saboolnimo aan lahayn wax horumara iney ku dagaalamaan xukunka degaano lama degaana oo ay noolihii oo dhan intiisa badan isaga tageen ama ka suuleen sida duurjoogta ama geedaha. Dadka hiigsiga nololeed leh waxey u halgaamaan iney ku noolaadaan nolol ka wanaagsan midii ay ku noolaayeen awooweyaashood, taas oo aad u xoojineysa horumarinta heerka nolosha ay dadku ku wada nool yihiin iyo ismaamulka ay dadku ugu madaxbanaan yihiin iney aayahooda uga tashadaan ku dhaqanka sharciga dowladeed oo mustaqbalkooda ku gaarsiinaya hiigsiga nolol wanaagsan.
W/Q: Prof. Saciid Ciise Maxamuud
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Maine, Texas, USA