Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadin Soomaaliyeed oo shalay ka badbaaday isku day dil oo maanta la dilay (Sawirro)

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in kooxo burcad hubeesan maanta deegaan katirsan gobolka Estraeen Cape ku dileen muwaadin Soomaaliyeed xilli uu shaqadiisa ku guda jiray.

Burcada hubeesan ayaa rasaas ku furay gaari uu rooti ku wareejinayay marxuum Cusmaan Aadan Sheekh Buule, oo kamid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka xamaalata dalka Koonfur Afrika.

Wiilkan Soomaaliyeed oo dukaamada geyn jiray rooti ayaa lagu weeraray deegaanka kuwzakele ee duleedka magalada Port Elizabeth, waxaana dhaawac culus oo soo gaaray ugu geeriyooday markii dambe isbitaal lagu daweenayay.

Sida aan warar ku helay wiilkan ayaa shalay ka badbaaday weerarkan lagu dilay mid lamid ah oo la doonayay in lagu dilo, hasa ahaatee maanta ayaa mar kale weerar qorsheesan oo lagu qaaday oo lagu dilay.

Ciidamada booliiska dalka Koonfur Afrika oo gaaray goobta uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan dilkan, waxa ayna sheegeen ciidamada in ay ku raadjoogaan kooxdii dilka geesatay.

Dalka Koonfur Afrika ayaa noqday goob si joogta ah loogu laayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi nolol maalmeedkooda u raadsada, mana jiraan wax laamaha ammaanka ee dalkaasi ka qabtaan dilalka soo noq noqday ee lagu beegsado Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Digniin laga bixiyey macluul dunida ku soo wajahan & hal arrin oo sabab looga dhigay

Caydiid Ali

Daawo: Axmad Madoobe oo fariin adag u diray Villa Somalia, kana digay arrimo halis ah

Caydiid Ali

(Sawirro) Mid ka mid ah jidadka Muhiimka ah ee Muqdisho oo dib loo dhisayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---