Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay Dhibaatada ka taagan Laascaanood baaqna u diray Shacabka Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool iyo amniga caasimadda.

Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii birmo-geydada ahaa ee ku dhintay bannaan-baxyada ka dhacay magaalada Laascaanood, waxa uuna xusay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan soo mareen, maantana aysan mudneyn in dib loogu celiyo dhibaatooyinkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Soomaaliland inxal aan xabbad ahayn ay ku wajahdo xaaaladda reer Laascaanood, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ah ay mudnaan weyn siinayso xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada-noolashaha dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah bulshada Caasimadda Muqdisho ugu adkeeyey in ay la shaqeeyaan ciidanka oo u heellan fashilinta dhagarta argagixisada, isagoo muujiyey sida uu uga xun yahay jidadka la xiray muddadii uu martida u ahaa dalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, taas oo uu ku tilmaamay duruuf ay sababtay xaaladaha amni oo lagaga bixi doono dhammeystirka xoreynta deegaannada ay dalka kaga harsan yihiin argagixisada Alshabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo hal arrin uga mahad celiyey Raisul Wasaare Mohamed Shia Al-Sudani

Caydiid Ali

Kheyre oo si adag uga hadlay Heshiiska Madaxweyne Xasan la galay Itoobiya

Cabdi Cade

War Murtiyeed laga soo saaray Shir Maamul goboleedyada iyo DFS ku yeesheen dalka Dibadiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---